4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2017
Diiwaangalinta musharixiinta guddoonka aqalka sare oo maanta la soo gabagabeynayo

 Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL ) – Waxaa maanta oo Khamiis ah la soo gabagabeynayaa diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya sida ay shaageen guddiga qaban-qaabada doorashada.

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka aqalka sare ayaa horay u sheegay in maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 19-ta bisha Janaayo la soo gaba gabeynayo diiwaan gelinta iyo codsi qabashada musharaxiinta u tartameysa silka guddoonka aqalka sare.

Marka la soo gabagabeeyo diiwaan-galinta ayaa la filayaa in ay shaaciyeen gudiga xubnaha ilaa iyo hadda isku soo taagay qabashada guddoonka aqalka.

Gudiga loo xil saaray qaban qaabada doorashada guddoonka aqalka ayaa waxa ay ka kooban yihiin Lix xubnood, waxaana shaqada loo igmaday ay tahay kaliya qaban qaabada doorashada guddoomiyaha aqalka sare.

Maalinta Sabtida ah ayaa lagu wadaao in la dhageysto khudbadaha musharaxiinta, iyadoo maalinta xigta ee Axada Taariikhduna ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ay dhaceyso doorashada.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]