4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2017
Puntland oo sheegtay in ay qabatay sarkaaal ka tirsan Al-shabaab

 

Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) – Maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegtay in ay qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu eedeynayo in uu ka danbeeyay dilal is xig xigay oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Col Cumar Cabdullaahi Fara-weyne oo ah guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaan ku hayaan hay’addaha baarista dambiyada ee Puntland.

Balse guddoomiyaha ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriira shaqsiga ay gacanta ku dhigeen.

Magaalada Boosaaso waxaa dhawwaan ka dhacay dilal is xig xigay oo ay ka mid ahaayeen xeer ilaaliyihii maxkamadaha ,taliye ku xigeenkii ciidamada booliska Puntland iyo Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso iyadoo dhammaantood ay dilkooda ka dambeeyeen rag ku hubeysan bastoolado.

Ugu danbeyntii, waxaa uu gudoomiyuhu ka gaabsaday in uu xog dheeraad ah ka bixiyo Sargaalka iyo Dad kale oo ka tirsan Shabaab oo lala qabtay  isagoo hadalkiisa kusoo koobay inuusan ka hor-dhacayn baaritaankooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]