4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2017
Dowlada Burundi oo lagala hadlayo in ciidamadeeda sii joogaan dalka Soomaaliya

 

Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) - Madaxa ammniga iyo nabad-galyada Midowga Afrika Smail Chergu ayaa booqasho labo maalmood ah ku jooga magaalada Bujumbura ee dalka Buurndi, kadib markii dowladda Burundi ay dhowaan sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Smail Chergu ayaa markii uu tagay magaalada Bujumbura ee dalka Buurndi waxaa uu Ubax dhigay wabriga Major General Juvenal Niyoyunguruza oo ahaa taliye ku xigeenkii hore ee AMISOM, kaas oo ku dhintay weerar ay Al-shabaab ka geysteen Soomaaliya 2009-kii.

Inta uu ku sugan yahay dalka Buurndi waxa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirada kala ah wasiirka arrimaha dibadda Alain Aime Nyamitwe, Wasiirka Gaashaandhiga Emmanuel Ntahomvukiye iyo wasiirka amniga Alain Guillaume Bunyoni dalkaasi, si uu ugala hadlo arrimaha Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, gaar ahaa ciidamada Burundi.

“Waxaan kala hadli doonaa Smail Chergu arrimaha ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi, oo maalmahan sheekadu ay aheyd in ciidamadeedaay ka baxayaan Soomaaliya, Ciidamadeena kaliya Soomaaliya uma joogaan in ay Shabaab la dagaalamaan, balse waxa ay raadinayaan nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata, sidaasi darteedan nabada Soomaaliya waa nabada aduunka “ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Alain Aime Nyamitwe.

Sidoo kale Alain Aime Nyamitwe wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxa uu sheegay dowladda Burundi mar walba in ay ku howlan tahay sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel nabad ah, si dadka caalamka ay ugu yimaadaan booqasho.

Ugu danbeyntii, Burundi ayaa ka mid ah dalka ciidamada badan kaga jiraan AMISOM, waxaana Soomaaliya ka jooga 5,500 oo Askari, waxayna mushaar ahaan uqaadan jireen Bishii lacag dhan 5 milyan oo Euro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]