4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2017
Tahriibiye Soomaali ah oo lasoo qabtay: tahriibeyaal la kufsaday, kuwo la jirdilay iyo kuwo la xiray

 

 Tahriibiye Cusmaan Maxamuud-dhanka midig


Khamiis, Janaayo 19, 2017 [HOL]-Nin tahriibiye ah oo Soomaali ah oo lasoo qabtay ayaa sheegay in tahriibeyaal Soomaaliyi kujirto oo haween ah la kufsaday.

Wuxuu intaa ku daray kuwo la jirdilay oo rag ah iyo kuwo la xiray. Ninkaa dadka isxambaarka ku dhoofsha oo dhallinyaro ah ayaa dhawaan lagu xiray Talyaaniga.

Ninkaa ayaa lagu tilmaamay qudhiisa nin arxan daran oo si naxariista ka baxsan ula tacaamulay tahriibeyaal.

 

Wuxuu sheegay in tahriibeyaasha lagu heyn jiray xeryo dhib iyo wasaq badan oo saxaraha Liibiya ku yaalay.

Wuxuu intaa raaciyay in kuwo badan oo tahriibeyaasha ah lagu tuuray badda ayagoo nool halkaana ay ku dhinteen-waa badda Mediterranean ee u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Dacwad oogeyaal ayaa dukumiinti dacwadeed oo 40 baal ah diyaarshay taasoo ka dhan ah ninkaa oo lagu magacaabo Cusmaan Maxamuud.

Da'diisa ayaa la sheegay inuu yahay 22 sano jir. Asaga qudhiisa ayaa lagu eedeynayaa inuu dumar kufsaday.

Waxaa sidoo kale loo heystaa inuu rag jirdilay gudaha xeryahaa ku yaala Liibiya oo weliba dhanka koofureed ka xiga Tripoli, caasimada Liibiya.

Cusmaan Maxamuud ayaa iska dhigay tahriibe markii dambe sidaana ku galay Talyaaniga ka hor intii aan la qaban.

Siteembartii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa aqoonsaday qof tahriibe ah xero ku taal Milan Talyaaniga.

Qofkaa ayaa ahaa Soomaali ninkaa aqoonsaday. Intaa kadib dadkii tahriibka halkaa ku galay ayaa dili gaaray.

Laakiin boolis ayaa ka soo gaaray oo xiray. Waxaa looga shakiyay in uu gabboodfalo ka geystay lagula kacay tahriibeyaal xero xumeyd oo ku ooli jirtay meesha lagu magacaabo Bani Walid, oo 100  mayl kaga beegan dhanka koofur bari Tripoli.

Xerada ayaa waxaa lagu tilmaamay inay u dhiganto xeryihii Nazi-ga ee Jarmalka ee dadka lagu jaqiiqsan jiray.

Wuxuu oran jiray xeradaa markii uu joogay, 'ma ihi Muslim, mana ihi Soomaali ee waxaan ahay taliyihiina'.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]