4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2017
Ciidamo xili habeennimo ah gurigiisa kala baxay wariye degmada Buula-burte

 

Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya ciidamada dowladda ee ku sugan degmda gurigiisa kala baxeen xalay mid ka mid ah wariyayaasha ka howlgala degmada.

Wariye Amiin C/asiis Sheekh Cali, oo ka mid ah wariyayaasha howlgala Idaacada Hiiraan-Weyn qeybta Buula-burde ayaa la sheegay in ciidamadu ay kala baxeen gurigiisa islamarkaana aan la ogeyn waxaa ay u xireen.

Qaar kamid ah wariyayaasha la shaqeeya wariye Amiin C/asiis Sheekh Cali ayaa sheegay in aysan garaneyn waxa lagu xiray saaxiibkood balse ay ka war heleen oo kaliya xarigiisa.

Ugu danbeyntii, Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo saxafiyinta,iyadoo wariyaasha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya ay la kulmaan dil, xarig iyo gagajugleyn joogto ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]