4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2017
Daawo sawirada weerar ismiidaamin ah oo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Maali


Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 50 qof ayaa ku dhimatay, qaar kale oo badana wey ku dhaawacmeen weerar qarax baabuur loo adeegsaday oo lagu qaaday saldhig militari oo ku yaala magaalada Gao ee waqooyiga Maali.

Saldhiga la weeraray ayaa lagu magacaabaa Operational Mechanism base, waxaana dadka ku dhintay weerarkan u badnaa askarta wadankaas.

Ma jirto cid weerarkan sheegatay, laakiin mintidiinta Islaamiyiinta ayaa qaada weeraro tan iyo markii looga guulaystay iyaga iyo mucaaradka Tuareg dagaal ay la galeen ciidamo ay hogaaminayaan Faransiiska sanadkii 2012.

Dalka Mali ayaa sanadkii 2011 maleeshiyaadka Tuwarig waxay ka noqdeen koox falaaga ah, kaddib markii ay ka soo laabteen ciidamo ay ka mid ahaayeen dalka Liibya.

Ugu danbeyntii, Bishi july sanadkii 2014-kii dalka Faransiiska ayaa bilaabay howlgal si ay cagta u mariyaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalkaas ka dilaacay, Balse weerarada ayaa wali ka soconaya saxaraha waqooyiga Mali, iyadoo lagu eedeynayo kooxaha Islaamiyiinta ah.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]