4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2017
Hay'adda HADMA ee Puntland oo ka hadashay arimaha abaaraha

 

Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) -Maareeyaha hay'ada Musiibooyinka Puntland ee HADMA C/laahi Axmed Cayroow ayaa Maanta ka waramay deegaannadii reer guuraga abaaraysan ay ka guuren iyo ku wa ay u guureen inta ay le'egyihiin.

Mareeye C/lhaahi cayrow ayaa Warbaahinta u sheegay in 22,438 qoys ay u so guureen Deegaanadda roobabka helay ee ku yaala Goballada Bari,karkaar iyo Gardafuu ee Puntland ,kuwaaso u sheegay inay ka yimaaden todobo Gobal oo soomaaliya ka mid ah.

Dadka reer guuragaha ee so naqraacay ayuu mareeye C/laahi Cayroow ku sheegay in ay ku yimaaden deegaanadaasi gadiidka gawaaradi oo qoyskiiba halkii gaari ka qaatay kun iyo labo boqol ilaa labo kun oo dollar.

Sidoo kale Mareeyaha Hay'ada Musiibooyinka Puntland ayaa sheegay in gudigii abaaraha iyo xograadinta ee deegaandasi tagayo in ay so arkeen khataro so wajihikara dadkaasi,taaso oo ku tilmaamay inay ka mid yihiin baadka iyo biyaha oo dhamaada,sabobo la xiriira dadka oo deegaankasi si xad dhaaf u guuraya.

Dhinaca kale,Maareeyaha hay'adda Masiibooyinka Puntland ayaa ka codsaday Dadka wax haysta iyo hay'adaha sama-falka in ay dadkaasi u gurmadaan si ay u yaraato khatarta ka imaan karta daaqa iyo biyaha xoolaha oo muddo bil kabadan ku dhamaan karta.

Ugu Danbaytii, mareeayaha C/laahi Cayroow ayaa sheegay in Wafdi madaxweynaha Puntland u hogaaminayo in dhawaan ay tagayaan si ay dowlada puntland qayb uga noqoto gurmadaka dadka ay abaarhu samaynta ku yeeshen.

 Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya