Wabiga shabeelle oo gabi ahaanba guray deegaano badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya
Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) – Tani waa dhibaato kale oo
soo food saartay dadka ku dhaqan deegaannada uu maro wabiga shabeelle oo markii
horeba la daalaa-dhacayay xaalada abaarta oo ay ugu sii darsantay biyihii
wabiga shabeelle oo gabi ahaanba guray.
Biyo la’aanta ayaa marka la eego saameyn xoog leh oo muuqata ku yaallatay dadka
ku dhaqan deegaannada dhaca jiinka wabiga oo si kastaba nolashoodu ku xirneyd isticmaalka
biyaha wabiga.
Muuqaalo la soo qaaday ayaa muujinaya gudaha wabiga oo dadka iyo duunyada
isla dhaxmarayaan, meellaha qaarna caruurtu ku dhax cayaarayaan, waxaana beeraleydii ku tiirsaneyd biyaha webigan soo food saartay xaalad adag.
Soomaaliya hada waxaa jirta abaar aad u daran oo saameyn ku yeelatay dadka
iyo duunyada, waxaan dowladda federaalka iyo maamulada hoose ay wadaan dadaalo
dadkan lagu badbaadinayo.
Ugu danbeyntii, bartimihii sanadkii hore ayuu mar sidan oo kale wabigu u
biyo yareeyay guud ahaanba deegaannada uu maro, hasse ahaatee biyo la’aantan
ayaa ku soo aaday xili dadka reer miyiga ah la soo daristay xaalad adag oo
dhinaca nolasha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]