4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2017
Guddoomiyaha maxkamadda degmadda Hargeysa oo ka warbixiyey tiradda dacwadaha ay qaadeen

Arbaco, Janaayo ,18, 2017 (HOL)- Gudoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa C/rashiid Beer-geel ayaa ka warbixiyey dacwadihii ay qaadeen sanadkii dhamaaday oo uu sheegay in dhamaan wixii dacwaddo ah ee soo galay maxkamadda degmadda ay wada dhamaadeen.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in kun iyo shan iyo sondon dacwadood oo ciqaabta guud ah soo galeen, isla markaana dhamaantood dhamaaday, isagoo dacwadaha kala duwan ee soo maray ka hadlaya waxa uu yidhi “

dacwadaha ciqaabta guud ee maxkamadda soo gallay waxay dhamayd 1035, marka lagu daro dacwadihii Demeber ee sanadkii 2015 waxay noqonayaan dacwadaasi  1165 ciqaabeed oo  aanu ka garnaqay oo aanu dhamaynay, dacwadaha Diin cayga, ee lagu aflagaadoobay Ilaahay, Diinta iyo Nabiga oo xumaan ka nasahan, waxay dhamayd 150 kiis, kuwaas oo dhamaantood
dhamaaday kuna gafanay qodobka 315aad.

Dacwadaha loo yaqaan waalid caasiga ee xeerka ciqaabta guud ee 35aad waxay dhamaayeen 183 dacwadood, Dacwadaha isticmaalka daroogadaha isagoo sitaa lagu qabtay waxay dhamayd  153 dacwadood. Dacwadaha dhaawacyadda fudud ee qodobka 440aad ee dastuurka waxa maxkamadda degmadda soo galaly 312 dacwadood, dacwadaha faro saarka dhexmara dadweynaha waxay ahaayeen 54 dacwadood oo aanu ka garnaqnay.

Dacwadaha loo yaqaan Cayda laf jabka ah waxaanu qaadnay 44 dacwadood  oo dhamantood way dhamaadeen, Dacwadaha hanjabaada dadweynaha dhexmaray waxay ahaayeen 100 dacwadood.

Ciqaabta waxa ka mid ahaaa khasaaraha hantidda  123 dacwadood baanu qaadnay wayna dhamaadeen. Tahriibka ama dadkii ku gafay xeerka socdaalka Somaliland 20 dacwadood ayaanu qaadnay, waxaanay  bilaysku ku soo qabteen labaatan baabuur  oo xaga Wajaale ka yimid waana la mastaafuriyey    150 qof oo iskugu jiray rag iyo dumar, waxaanay kala ahaayeen  18 dumar ah iyo 132 rag ah, dhamaantoodna waxay ka yimaadeen Itoobiya oo waxay doonayeen inay
dalka shifo sharci daro ah ku dhex maraan.

kiisas uguba h ee  ku cusbaaa gayiga Somaliland oo maxkamada degmada Hargeysa qaaday oo aan hore loo qaadin horana uga dhicin Somalilnad, Soomaaliya iyo geeska afrika waxaana ahay wiil ay afar waalid ku muransanaayeen, waxaana la kaashanay cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, waxaana DNA-da u dirnay Nayroobi, taas oo la soo xaqiijiyey waalidkii dhalay, waxaanay kiiskaasi noqday mid hormood u noqday in uu xaliyo waalidka caruurka isku qabsaday, waxaana  degmada Hargeysa soo maray sadex kiis ah oo noocan oo kale ah oo kii u dambeeyey hadda ku maqan yahay Nayroobi oo natiijaddii la sugayo.

Dacwadaha qoysaska Is shiidh shiida ee ka dhex dhaca xaafadaha waxaa maxkamada degmadda soo gallay 14 dacwadood oo dhamaantood aanu dhamaynay.Isku tagga aan sharciga ahayn waxa soo gallay laba kiis, Dacwadaha Madaniga ah ee sanadkii tagay soo maray maxkamadda degmadda Hargeysa waxay dhamayd  2492 dacwadood, dacwadaha khilaafyadda qoyska ka dhaca waxa soo galaly 1100 dacwadood, fasaqaadda dumarka waxa soo gallay 181 dacwadood, gabdhaha lagu dafiray uurka waxa soo gallay 19 dacwadood, laba guurka dumarka sameeya waxa soo galay  lix dacwadood, dumarka Guri diidka ee ka carara qoysaskooda sifo sharci daro ah waxay dacwadahoogu dhamayd 14 dacwadood.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.