4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2017
Midowga Yurub oo Soomaalida ugu baaqay in laga gudbo caqabadaha siyaasada iyo ammaanka

Arbaco, Janaayo 18, 2017 [HOL]-Ururka Midowga Yurub (EU) ayaa asbuucii tagay ugu baaqay xildhibaanada Soomaalida ah ee dhawaan la doortay inay ka shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha siyaasada iyo ammaanka dalka hortaagan.

Waxaa kaloo EU uu ugu baaqay Soomaalida in laga shaqeeyo sidii maamulka dalka loo horumarin lahaa isla markaana xukunka caqabadaha hortaagan meesha looga saari lahaa si si munaasab ah dalka dib loogu dhiso.  Wuxuu EU kula dardaarmay xildhibaanada cusub ismaqal iyo dib u heshiisiin dalka oo dhan ah inay ka shaqeeyaan.

Waxaa Soomaalida guud ahaan uu EU ku waaniyay in bixinta khadamaatka la horumariyo si dadka Soomaaliya si munaasab ah loogu adeego.

EU ayaa ku tirtirsiiyay hoggaanka cusub ee Soomaaliya inuu dhiso waax amni oo awood leh lana aamini karo.

 “EU ayaa bayaaninaya rajadaas waxaana ayadoo hoggaanka cusub iyo xildhibaanada la kaashanayo diirada la saari doonaa caqabadaha jira.” Bayaan ka soo baxay EU ayaa sidaa lagu xusay.

EU ayaa sheegay in Soomaaliya iminka ay u baahan tahay hayado dawli ah oo adag si guulaha la gaaray kuwo aad run u ah looga dhigo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]