Arbaco, Janaayo, 18,
2017 (HOL) Maamul gobolleedka Puntland ayaa u soo jeedisay golayaasha
baarlamaanka in si dhaqso leh loo guda-galo doorashada madaxweynaha oo ay dib u
dhac badan ka muuqato.
Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland, Xusseen Yuusuf
oo dardaaran u diray baarlamaanka wuxuu sheegay dalka inuu ku jiro marxalado
adag loona baahan-yahay xilli hore in la qabto doorashada madaxweynaha.
“Dalka waxaa uu ku
jira marxalado adag,waxaan baarlamaanka ugu baaqaya in la dedejiyo doorashada
madaxweynaha,”ayuu yiri guddoomiye,Xuseen Yuusuf .
Sidoo kale,guddoomiye ku-xigeenka wuxuu ka hadlay abaaraha
ka jira dalka,isagoo usoo jeediyay shacabka in si wada-jir ah loogu gurmado
dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Ugu danbeyntii, baaqan ayaa ka soo baxa Puntland xilli la
filayo mar kale doorashada madaxweynaha inay dib u dhacdo oo bisha ina soo
aadan dhammadkeeda gaarto.