Saddax kursi oo ka mid ah xildhibaannada G/waqooyi oo maanta lagu dooranayo Muqdisho
Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) - Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada
xubnaha gollaha shacabka iyo aqalka sare ku matalaya G/waqooyi oo heer gabagabo
ah ku dhaw.
Saddex kursi oo ka mid ah xildhibaannada gollaha shacabka
gobollada G/waqooyi ayaa la filayaa in maanta la doorto, sida ay sheegeen
gudiga qaban-qaabad doorashsada, sidoo
kale isla maanta la dooran doonaa xubno kale oo ka mid noqonaya xildhibaannada
aqalka sare ee G/waqooyi.
Saddexda kursi ee maanta lagu dooranayo magaalada Muqdisho
ayaa ka dhigaya tirada xildhibaannada gobollada G/waqooyi ee ilaa iyo hadda la
soo doortay 42 xildhibaan, waxaana ka
harsan labo xildhibaan oo kaliya madaama wadarta xildhibaannada beellaha
Soomaaliland ku matalaya gollaha shacabka dhan yihiin 46 mudane.
Maalintii shalay ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho
xildhibaannada beellaha Banaadiriga kadib markii la soo doortay labadii kursi
ee ka dhinnaa.
Ka hor dhamaadka bishan ayaa lagu wadaa in ay gabi ahaanba
la soo dhameystiro xildhibaannada labada aqal ee wali harsan, iyadoo wixii
xiligaa ka danbeeya la gudagali doono qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]