Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) Guddiga Maamulka Maaliyadda ayaa 15
Janaayo 2017 ku qabtay kulankiisii 20aad ee bilaha ahaa magaalada Nairobi
ee wadanka Kenya.
Kulankaan ayaa guddigu kaga dooday horumarada
uu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ka sameeyey daba galka hantida ku abaaday
akoonadii Bangigii Ganacsiga Soomaaliya ku lahayd dibadaha. Guddiga
maaliyadu waxay siiyeen ogolaansho uu bangiga Dhexe ku sii wadi karo hawlaha uu
ku furayo akoon hoosaad laga dhex furayo mid ka mid ah akoonada horay u jiray
ee Bangiga Dhexe si loogu soo wareejiyo hantida ku raagtay Bangiyada Caalamka.
Tani waxay fududaynaysaa habka bixinta
lacagaha laga helay afar bangi, ayna ku soo wareejin doonaan akoon
xisaabeedkaan, waxaa kale oo socda hawlo lagu xaqiijinayo hantida bangiyada
kale weli ku harsan.
Guddiga maamulka maaliyadu waxay isla
diyaariyeen qoraal qabyo ah oo heshiis is faham ah, una dhexeeya wasaaradda
maaliyadda iyo Bangiga Dhexe si ay u wada furaan akoono xisaabeed laga
furayo Bangiyada Ganacsiga oo lagu rido canshuuraha, akoonkaas oo uu maamulayo
Bangiga Dhexe .
Qoraalka heshiiskaan waxaa loo
gudbinayaa Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka si uu u meel mariyo. Tani waxay
horumarinaysaa hufnaanta canshuuraha la qaaday, waxayna kordhinaysa
qanacsanaanta canshuur bixiyayaasha, iyadoona kor u qaadaysa hanaanka
horumarinta xisaabaadka ganacsiga.
Guddiga
maamulka maaliyadda wuxuu ku cadeeyey warbixintiisii afraad ee Maamulka
maaliyada waxyaabihii uu dib u eegidda ku sameeyey tan iyo sanadkii 2014,
isagoo xaqiijiyey caqabadaha taagan ee la xaliyey. Warbixinta ayaa la
rajaynayaa inay soo dhamaystiranto bisha Marso ee 2017, waxaana laga hor
akhriyi doonaa dowladda imaan doonta, iyadoo lagu faahfaahinayo arrimahaa
maamulka maaliyadda iyo siday u kala muhiimsan yihiin hawlaha loo bahan yahay.
Wasiirka maaliyadda
ahna madaxa Guddiga Maamulka Maaliyadda ee dawladda Mudane Mohamed Aadan
Ibraahim Fargeeto ayaa soo dhoweyey Mudane Samba Thiam oo ah u
qaybsanaha hay’adda lacagta aduunka ee IMF Soomaaliya, waana xubinta u
metalaysa hay’adda IMF guddiga Maamulka Maaliyada. Madaxa guddiga maaliyadu
wuxuu soo dhoweyey ka qayb galka IMF ee hawlaha Guddiga, iyagoona tilmaamay
muhiimadda uu leeyahay iyo dadaalka uu wado ee lagu hormarinayo hanaanka
hufnaanta maaliyadda, waxayna IMF sheegtay inay sii wadayso la shaqaynta
guddiga.
Dawladda Federaalka Somaaliya oo
kaashanaysa Bangiga Aduunka ayaa si wada jir ah u dhisay sanadkii 2014
Guddigaan oo ah mid heerkiisu sareeyo oo wada jir ah oo dhinaca maaliyadda ah,
si loo kordhiyo ogaansha iyo hufnaanta qaybaha muhiimka ah ee Maamulka
Maaliyadda.
Guddigaan Maamulka Maaliyada waxaa maal
geliya Sanduuqa isku dhafka deeqaha Soomaaliya (MPF) loo soo gaabiyo.
Wuxuuna qabtaa sahaminta iyo go’aaminta hawlaha aasaasiga ah iyo kuwa farsamo
ee lagu horumarinayo wada shaqaynta laamaha maaliyadda.
Guddiga Maamulka Maaliyadu wuxuu ka
kooban yahay xubno ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda oo ah hogaanka guddiga,
Bangiga Dhexe, Guddiga maaliyada ee baarlamaanka, Xubin ka socota Xafiiska
Madaxweynaha, xubin ka socota xafiiska Raysal Wasaaraha, Xeer ilaaliyaha guud
ee wadanka iyo hay’addaha caalamiga ee dhinaca lacagta ee kala ah Bangiga
Aduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo Deeq
bixiyayaasha.