4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Wakiilada beesha calaamka oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay xaalada abaarta


Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) -Kulan loogaga hadlayay abaaraha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo kulankaasina ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo weliba guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

Shirkan oo lagu qabtay xarunta ay qaramada midoobay ku leedahay magaalada Muqdisho ee Xalane, ayaa si weyn loogaga hadlay sidii loogaga hortagi lahaa dhibaatooyin ka dhasha abaaraha iyo sidii loogaga hortagi lahaa macluul ay sababto abaarta.

Shir jaraa’id oo ay qabteen mas’uuliyiintii ka qeybgashay kulankan ayaa waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uu sheegay in dowladda ay wax kasta oo suuragal ah samayneyso si loogu gurmado dadka abaarta ay ku habsatay.

Isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya Peter de Clercq oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay inin xaaladda abaarta Soomaaliya ay meel xun marayso, ka dib markii ay curan waayeen roobabkii gu’ga iyo deyrta ee la filayay sanadkii tegay.

De Clercq ayaa sidoo kale sheegay in abaarta ay dhalisay in ay sare u kacaan qiimaha lagu kala iibsado biyaha iyo cuntada ayna xaaladda abaarta ay kasii dari karto xilliga jiilaalku uu yahay bilow.

“Inta badan caalamadihii ka horeeyay abaartii 2011 ayaa hadda muuqda. Waxbadan waxa ku xiran yihiin roobka gu’ga ee la filayo bisha April ee soo socota. Balse saadaasha roobkaasi ma aha mid wanaagsan.” ayuu yiri Peter de Clercq.

Ugu danbeyntii, abaarta oo ka jirta inta badan Bariga Afrika, ayaa si weyn u saamaysay deegaannada Soomaalida, waxaana ku xoola beelay dad badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]