4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
120 Arday oo reer Somaliland oo deeq waxbarasho ka heshay wadanka Itoobiya

 

Talaado,Janaayo , 17, 2017 (HOL) –Arday deeq waxbarasho ka heshay wadanka Itoobiya ayaa maanta u anbobaxay, waxaana shalay saafaradda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa gudoonsiisay wasaaradda waxbarashada Fiisayaashii paaspoorada Ardayda.

Masuul u hadlayey safaaradda Itoobiya ayaa ka raali galiyey ardayda habsanka ka habsaameen dal ku galkii ay ku gali lahaayeen Itoobiya, waxaanay sheegeen in labadaasi bilood ee ay habsaameen ku wargaliyeen jaamacadihii ay galayeen si duruustii dhaaftay ardayda loogu fududeeyo oo wakhti gaar ah duruustaasi loo siin lahaa.

Ardaydan deeqda waxbarasho heshay oo dhamayd 120 arday ayaa habsanka yimid awgeed waxa iskugu soo hadhay lixdan Arday, waxaanay toos u gali doonaan jaamacadihii lagu kala qoray, waxaana ardaydan loogu deeqay waxbarasho kala duwan sida Caafimaadka, Beeraha iyo Macalinimadda.

Safaaradda Itoobiya ayaa sheegtay in deeqdan waxbarasho ugu deeqday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana fursad fiican u tahay in ardaydu aanay ka fogaan wadankoodda oo mar kasta soo booqan karaan.

 

“120 Arday bay ahaayeen sidii ay u rifmayeen oo ay kolba u cadhoonayeen markii ay raagtay Fiisihii ayey lixdan ku soo hadheen, waxaanay ardaydani ku kala qoran yihiin Jaamacadaha Jig-jiga, Qarbotaharay, iyo Goday, waxay iskugu jirtay deeqdaasi waxbarasho caafimaad, Farsamadda gacanta, Beeraha, macalinimada “ ayuu yidhi masuul u hadlayey wasaaradda waxbarashadda.

Sarkaal ka socda safaaradda Itoobiya qaybteedda laanta socdaalka Mr: Moolaali ayaa raali galin ka bixiyey habsanka ardayda ku dhacay ee dhankoodda ahaa, waxaa kale oo uu ka sheekeeyey xidhiidhka wanaagsan ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhexeeya, waxaanu aad ugu dheeraaday in ay jiraan dad aan ogoleen xidhiidhka labadda wadan ka jiro, waxaanu usoo jeediyey labadda wadanka inay iska ilaaliyaan wixii carqalad ku keeni kara xidhiidhka saaxiibtinimo ee labadda wadan.

Ugu horeyn sarkaalkan Safaaradda Itoobiya ka socda ee Fiisayaasha u gudoonsiiyey ardayda iyo wasaaradda waxbarashada waxa ka mid ahaa hadaladiisii “ labadda bilood ee ay habsaantay fiisayaashii oo dhankayaga ah raali baan ka siinaynaa ardayda, hadda ka hor Passporka Ardayda halkan ayaa lagu bixin jiray balse amar xaga sare ka yimid ayaa sababtay in aan anagu idin siinno, maadama oo gobolo badan aad ka kala timaadeen, wakhtigii loogu talo galay aanad helin oo xagayaga habsan ka noqoteen raali galin baan idinka siinaynaa, waxa kale oo aan idin hambalyaynaa xukuumada dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa idin siisay, maaha fursaddii kowaad ee waxa jiray arday kale oo sidan oo kale deeqo waxbarasho loo siiyey waana fursadii labaad ee sanadkan 2016 arday heshay deeq waxbarasho, waxa kale oo idin sheegayaa inaad meel dhow ka hesheen deeqdan waxbarasho ,kuwii idinka horeeyey meelo fog fog ayaa lagu qoray”.

Sarkaalkan waxa uu sharaxaad ka bixiyey xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo uu sheegay in waxbarasho uun ahayn ee ay ku jirto ganacsiga, amniga oo la wada ilaaliyo, waxa kale oo uu sheegay in safaaraddii ugu horeeyey ee Hargeysa la keena noqotay Itoobiya, diyaaradii ugu horeysa Hargeysa timaado taas oo ah xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya labadda wadan.

Waxaanu intaas ku daray “anagoo shacabka xidhiidhkeedda ilaalinaya diyaaradayaddu iyadoo buuxsamin ayaanu laba jeer ku soo noqonayaa, waana xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhexeeya, waxa kale oo jirta in dekadda Berbera isticmaasho taasina waxay cadaynaysa in fursad fiican ka dhalan karto oo reer Somaliland ka heli doonaan anagu aanu ka heli doonno, mida kale amniga labadda wadan aaad bay u wada shaqeyaan oo xidhiidh fiican ba ka dhexeeya, Waxa arrimahaasi inoo cadaynaysaa in Somaliland Itoobiya la’aanteed noolaan Karin, Itoobiyana Somaliland la’aanteed noolaaan Karin, Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkoodda intaas oo kaliya kuma eeka, waa dad is wada dhex galay oo is guursaday oo qoys oo kale ah, maaha uun labada dal oo jaar ah ee waa dad walaalo ah, lagaa yaabo in xidhiidhka quruxda badan inay dalal kale ka xun yihiin ama si khaldan farogalin u samayn karaan kuwaas oo ka xumaan kara labadda wadan ee xidhiidhka wanaagsan, marka wixii caqabad keenaya waa inaynu ka hor tagnaa, kuwo xidhiidhkeena ka xunna aynu ka foojignaano oo aanu iska ilaalino, waxa kale oo aan leeyahay Ardayda markaad soo qalin jabisaan waa inaad noqotaan Buundaddii isku xidhi lahayd labadda wadan, waa inaad sii xoojisaan labadda wadan xidhiidhkooda inaad ka shaqaysaan”

 

Agaasimaha tacliinta sare ee Somaliland ayaa isna sheegay in xidhiidhka labada wadan yahay mid wanaagsan, isla markaana shacabka Somaliland yihiin dad abaal galla, waxaanu tusaale usoo qaatay in markii shacabkani qaxay ay u qaxeen wadanka Itoobiya oo lagu soo dhoweeyey.

Waxa kale oo uu xusay in Somaliland iyo Itoobiya waligood ahaayeen dad walaalo ah oo jaar ah oo danahoogu ka wada dhexeeyaan, waxaanu yidhi “waa kooxdii labaad ee sanadkan aanu dirnay, ardaydii ugu sareeyey Somaliland qorshahayagu waxa weeyi sanadaha soo socda inaanu kordhino ardayda deeqa waxbarasho helaysa, Itoobiya oo kale maaha ee wadamo kale badana way inoogu deeqi doonaan oo waxa inala joogaan Jaamacada Carabta way inoo soo balanqaaday.”

Agaasimuhu isagoo u mahad naqaya waxa uu yidhi “waxaanu nahay rag abaal celin kara, barigii aanu qaxnay waxaanu u qaxnay waxay ahayd Itoobiya oo si fiican noo soo dhoweysya, waxaa uu safiirku ka sheekeeyeyna waa wax jira xidhiidhka labadda wadanka waa mid mar walba sii fiicnaanaya”

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.