4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
SDF oo abaalmarino gudoonsiiyey wariyayaal tartan u gallay tabinta wararka arrimaha bulshadda


Talaado, Janaayo ,17, 2017 (HOL)-  Munaasibad balaadhan oo lagu abaalmarinayo wariyeyaal ka qaybgallay tartan loo qabtay warbixino laga diyaarinayo horumarka iyo arrimaha bulshadda ayaa lagu qabtay Ambasodoro hoteel ee magaaladda Hargeysa.

Wariyeyaashan ayaa dhamaystay tobabar ku saabsan sida loo tabiyo mashaariicda horumarka iyo wararka arrimaha bulshadda ee saameynta ku leh shacabka, waxaana munaasibadda lagu soo bandhigay daraasad ka hadlaya in warbaahinta awoodda saarto wararka siyaasadda, balse aanay jirin wararka arrimaha bulshadda, waxaanay daraasadan sameeyey Somaliland development Fun (SDF), waxaanay daraasadaasi lagu sheegay in 72% wararka la qoraa yihiin wararka Siyaasadda, wararka horumarka qaranka (National Development) laga qoray 3.1%, arrimaha dhaqaalaha waxa laga qoray 2.1%, wararka arrimaha bulshadda waxa warbaahintu tabiyeen 21%, wararka arrimaha deegaanka khuseeyana waxa laga qoray 10%, waxaanay la sheegay in warbaahinta inta u badan ee wararkooddu yihiin arrimaha siyaasadda, taasi ayaa keentay in sanduuqa horumarinta Somaliland oo dalal badan oo reer Yurub qaadhaanka ugu shubaan Somaliland inuu qabto Siminaar ku saabsan in arrimaha bulshadda warbixino laga diyaarin lahaa, iyagoo warbaahinta soo tusay mashaariic kala duwan ee ay wadaan oo ay ka mid yihiin biyo xidheenno waaweyn, beeraha iyo wadooyinka.

Tobabarka markii uu dhamaaday waxa tartan loo galay warbixino ku saabsan arrimaha bulshadda, waxaana tartankaasi ka qaybgalay gashaan wariye, waxaana abaalmarintaasi ku guulaystay oo kaalinta kowaad gallay wariye Barkhad Ladiif Maxamed Cumar oo ka tirsan bahda Hiiraan Online.

Wariye Barkhad-Ladiif Maxamed Cumar ayaa abaalmarintii labaad ku guulaystay tartamo wariyeyaasha loo qabtay, waxaanu hore ugu guulaystay tartan hay’adda qaramadda midoobay ee UNDP u qabatay wariyeyaasha Somaliland.

Sidoo kale, waxa isaguna warbixin halkaasi ka soo jeediyey Mustafe Aadan oo ka mid ahaa macalimiintii tobabarka bixinayey, waxaanu ka sheekeeyey caqabadaha haysta warbaahinta iyo aqoon korodhsigan oo uu sheegay in wax badan la kala faa’iidaystay.

Munaasibadan abaalmarinta lagu gudoonsiiyey wariyeyaashii tartankaasi ku guulaystay waxa ka soo qaybgallay wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani, wasiirka Qorsheynta qaranka Maxamed Ibraahim Qabo iyo gudoomiyaha ururka saxaafadda SOLJA Maxamuud Xuuto.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.