4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Labo kursi oo ka mid noqonaya aqalka hoose oo Muqdisho lagu doortay

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay qeyb ka mid ah doorashada xubnaha aqalka hoose, gaar ahaa labadii kursi ee ka harsanaa xildhibaannada beellaha Banaadiriga.

Doorashada oo aheyd mid xiiso gaar ah xambaarsaneyd ayaa mid mid ah kuraasta lagu tartamay la maray dhowr wareeg kadib markii ay musharixiinta kala bixi waayeen.

Kursiga koowaad oo ay ku tartamayeen Haween ayaa waxaa ku soo baxday Biibi khaliif Maxamed oo heshay 47 cod, kadib makii ay ka guuleysatay Qamar Islow Nuur oo aheyd xubintii la tartameysay.

Kursiga kale oo ay ku tartamayeen ilaa Saddex rag ah oo kala ah Caamir Axmed Maxamed, Lutfi Shariif Maxamed iyo Shariif Maxamed Cali ayaa waxaa ku soo baxay Lutfi Shariif Maxamed oo helay 26 cod.

Marka la eego doorashada labada kursiga ee beellaha Banaadiriga, ayaa taa macnaheedu waxaa uu noqonayaa in heer gabagabo ah ay marayaan guud ahaan doorashooyinka xubnaha ka dhiman aqalka hoose, inkastoo wali ay dhiman yihiin kuraasta shan xubnood oo horay loogu celiyay dowlad gobolleedyada iyo xildhibaanno ka dhiman xubnaha gobollada W/qooyi ee aqalka sare iyo hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]