4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Ciidamada amniga Puntland oo howlgal ka sameeyay magaalada Boosaaso

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) --Ciidamo ka tirsan booliska Puntland ayaa maanta howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka bilaabay magaalada Boosaaso, kadib markii shalay galinkii danbe kooxo hubaysan ku dileen labo askari oo ka tirsan ilaalada Bangiga dhaxe ee puntland.

Sargaal ka tirsan Booliska Puntland ee Gobalka Bari ayaa HOL  u xaqiijiyay in ay hayaan Dad ay ku tuhmayaan falalkii danbi ee dhawaanahan ka dhacayay Magaalada Boosaaso,kuwaaso lagu dilay dhamaadkii sanadkii tagay Saddex Mas'uul oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Sidoo kale,Magacyada labada askri ee shalay la dilay ayaa lagu sheegay  Bashiir Maxamed C/rixmaan iyo Maxamed Jaamac Xirsi oo ka tirsanaa Illaalada Baniga dhaxe,mana jirto ilaa iyo hadda cid dilkooda u ku cadyahay oo la so qabtey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Booliska Puntland ee Gobalka bari ay mid mid u baarayaan Xaafadaha Magaalada Boosaaso,Gadiidka iyo dadweynaha lugaynaya Jidadka waa weyn ee
magaaladaasi.

Howlgaladan ka socda magaalada Boosaaso ayaa ku so beegmaya,iyadoo madaxweynaha puntland iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada oo dib uga so noqday Degmada qandala ay ku sugn yihiin Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Ugu Danbaytii Howl-galkan lagu xaqiijinayo Amaanka Magaalada Boosaaso ayaanan ahayn midkii ugu horeeyay,labo todobaad kahor ayay ahayd markii dhowr boqol oo dhalinyaro u badan oo boosaaso laga dhax uruuriyay la siidayay kadib markii wax danbi ah lagu waayay.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliy