4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Shaqsi lagu tuhusan yahay weerarkii Istanbul oo la qabtay

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa xaqiijiyey in ay ciidamada amniga xireen ninkii la sheegayinuu ka danbeeyey weerarki habeenki curashada sanadkan 2017-ka lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku dhinteen 39 qof.

Ninka oo lagu magacaabo Abdulkadir Masharipov ayeey warbaahinta dalka Turkiga sheegtay in uu yahay shaqsigii ka danbeeyay weerarki Istanbul.

Warbaahinta ayaa intaa ku dartay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmada Esenyurt ee magaalada Istanbul.

Ra’iisul wasaare Yildirim oo ku tilmaamay ninka argagixiye quruxan ah, ayaa sheegay in hadda arrinta muhiimka ah ay tahay in la shaaciyo maskaxdii ka danbeysay weerarkaas.

Barasaabka Istanbul Vasip Sahin ayaa maanta sheegay in faro laga qaaday Masharipov ay noqdeen kuwi laga helay goobti uu ka dhacay weerari habeenki sanadka cusub.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ninkan oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Uzbekistan uu tababaro kusoo qaatay dalka Afghanistan, kadibna soo galay Turkiga bishii June ee sanadkii 2016.

Ugu danbeyntii, ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Numan Kurtulmush oo hadal qoraal ah oo uu kaga hadlay howlgalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo awoodaha xooga badan ee ka danbeeya uu sii socon doono ilaa ay ka dhameynayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]