4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Doorashada madaxweynaha oo dib u dhaceysa ilaa bisha Feberaayo

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) –Doorashada madaxweynaha Soomaaliya  oo marar badan oo hore dib u dhac ku yimid, ayaa mar kale lagu wadaa in ay dib uga sii dhacdo qorshihii ahaa in dhamaadka bishan Janaayo la qabto.

Ilaa bisha Feberaayo ayaa la filayaa in doorashada dib ugu dhacdo, madaama aan la soo dhameystirin xildhibaannada labada aqal oo wali ay ka harsan yihiin wax ka badan 10 xildhibaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo dhawaan ka hadlay kulan uu la yeeshay guddiga doorashada dadban ku wargaliyay in doorashada madaxweynaha u xayiran tahay dhameystirka xildhibaannada wali dhiman iyo doorashada guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya.

Doorashada guddoonka aqalka sare kadib ayaa la filayaa in kulan wada jir ah yeeshaan labada aqal oo iska soo dhax dooran doona gudiga qaban –qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, madaama labada aqal si wada jir ah u soo dooran doonaan madaxweynaha afarta sano ee soo socta.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa ka digaya in doorashada la qabto ka hor inta aan la soo dhameystirin dhamaanba xildhibaannada ka dhiman labada aqal, iyaga oo arintaa kala hadlay guddoonka baarlamaanka iyo beesha caalamka.

Magaalada waxaa ka socda doorashada xildhibaannada gollaha shacabka beellaha Banaadiriga iyo xubnaha aqalka sare ka dhiman ee gobollada Waqooyi oo la filayo in ilaa dhamaadka bishan la soo dhameystiro.

Doorashada guddoonka aqalka sare ayaa la filayaa in ay dhacdo 22ka bishan oo ku beegan maalinta Axada ah todobaadka danbe, taasoo ka marqaati kaceysa in doorashada madaxweynaha gaari karto ilaa bisha Feberaayo.

Ugu danbeyntii, musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa mid walba oo ka mid ah dadaal xoog leh ugu jira sidii uu ugu soo bixin lahaa xilka madaxweynaha afarta sanno ee soo socta, halka dhinaca kalana musharixiinta qaar ka fikirayaan in ay sameystaan isbaheysi  ay ku wajahaan doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]