4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha ka dhashay iska horimaad saakay ka dhacay degmada Cadaado

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) – Xaalada magaalada Cadaado ayaa degan, kadib iska horimaad subaxnimadii hore ee saaakay halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan nabad-sugida iyo booliiska dowlad gobolleedka Galmudug.

Wararkii ugu danbeeyay ee halkaa naga soo gaaraya ayaa sheegaya in iska horimaadka saakay dhacay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray, waxaana jira dadaallo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka degmada oo laga xalinayo xiisada colaadeed ee halkaa ka jirta.

Ciidamada sugida oo saakay weerar ku qaaday xarunta Badbaado oo ay ku shiraan xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed, ayaa lagu waramayaa in ay dib uga baxeen xaruntii ay weerarka ku qaadeen oo ay ku sugan yihiin ciidamada booliiska.

Ugu danbeyntii, xiisada siyaasadeed ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa u muuqata mid gaartay heerkeedii ugu sareeyay kadib iska horimaadkii saakay dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]