4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Iska horimaad ka dhacay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) –Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya iska horimaad culus magaalada ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan nabad-sugida booliiska, kadib mariii ciidamada nabad-sugida weerar ku qaadeen goob ay ku shiraan xildhibaannada ka soo horjeeda madaxweynaha Galmudug.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamada nabad sugida Glamudug ayaa saakay weerar ku qaaday xarunta lagu magacaabo Badbaado oo ah halka ay ku shiraan xildhibaanada Baralamaanka Galmudug ee dhawaan xilka ka qaaday madaxweynaha maamulkaasi.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada booliiska aya la sheegay in uu ku dhaawacmay iska horimaadka, inkastoo warar kale sheegayaan in ay dhimasho jirto.

Xiisada siyaasadeed e ka taagan mgaalada Cadaado ayaa hada u muuqata mid gaartay heerkeedii ugu sareeyay, lamana oga sida saacadaha soo socda wax isku badali doonnaa..

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]