4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Rag ku howlanaa farsameynta doolar been abuur ah oo la qabtay [Sawirro]

 


Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) – Ciidamada nabad-sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay rag sida la shegay ku howlanaa daabacaada lacago doolar been abuur ah.

Ciidamada NISA ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay ku qabteen warshad lagu farsameeyo doolarka been abuurka ah iyo dadkii ku howlanaa.

Ciidamada NISA ayaa baaritaanka waxay ka sameeyeen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana guri ku yaala degmadaasi ka qabteen warshad lagu dhaqo doolarka been abuurka ah.

Wakaalada wararka Qaranka Soomaaliyeed lagu sheegay in lix ruux oo loosoo qabtay falkaasi xabsiga ay dhigeen ciidamada NISA.

Taliska NISA ayaa sheegay in howlgalkaasi inta uu socday hal askari uu ku dhintay, balse lagu guuleystay in lasoo qabto warshada doolarka lagu dhaqo iyo dadkii falkaasi ku howlanaa.

Ugu danbeyntii, ciidamada NISA ayaa habeenadii ugu dambeeyay howlgalo baaritaano ah ka sameynayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]