4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Weerar lagu dilay sideed askari oo ka dhacay dalka Masar

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) – Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed askari oo boolis ah lagu dilay weerar mintidiin looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha islaamiyiinta ay ku qaadeen bar koontarool oo ku taala galbeedka dalkaasi.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegayaan in labo ka tirsan mintidiinta weerarka soo qaaday sidoo kale halkaasi lagu dilay.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Naqab oo ku yaala koonfur galbeed dalkaasi Masar, waxaana soconaya howlgalo la xiriira weerarka.

Ugu danbeyntii, ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi. Mintidiin ka tirsan kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa waxa boqolaal askari ku dileen dalkaasi tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi, sanadkii 2013.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]