4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Al-shabaab oo xalay weerar ka geysatay degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaadeen Al-shabaab fariisimo ciidamada AMISOM ku lahaayeen degmada.

Dadka degmada ayaa sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlay saldhigyada ciidamada AMISOM ee weerarka lagu qaaday xalay.

Siddoo kale, dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen ayaa laga maqlayay deegaanno ka baxsan degmada Mahadaay.

Ugu danbeyntii, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay iska horimaadkan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qaado saldhigyada ciidamada Burundi ee ku leeyihiin degmada.

Wixii faah faahin ah waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]