4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Midowga Africa oo dalbanaya ciidamo dheeraad ah oo ka howlgala Soomaaliya

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) - Gudoomiyaha ciidamada AMISOM ahna wakiilka gaarka ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaciyay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo ka howlgala dalka Soomaaliya.

Francisco Madeira, ayaa codsaday ciidamo dheeraad ah oo ka yimaada dalalka Midowga Africa kuwaasi oo ka mid noqanaya howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii.

Waxaa uu walaac ka muujinayaa hadalada kasoo baxay dowladda Burundi oo sheegtay inay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, taasi oo dhalisay walaaca ah inay yaraadaan ciidamada AMISOM ee dalka jooga.

Madeira, ayaa sheegay in ku dhawaad sagaal kun oo askari ay u baahan yihiin, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya howlgalka ka socdo Soomaaliya.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay 20 kun oo askar Soomaaliyeed ah oo si hufan ula wareega howlaha ciidamada AMISOM ka qabanayaan dalka Soomaaliya.

Ciidamadaasi ayuu sheegay inay u baahan yihiin inay helaan tababaro dheeraad ah.

Ugu danbeyntii, hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Burundi ay sheegtay inay bilowday isniintii shalay hannaanka ay ciidankeeda ka badan 5-ta kun ugala bixi lahayd Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]