4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2017
Diiwaangalinta musharixiinta guddoonka aqalka sare oo Muqdisho ka bilaabaneysa

 

Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ka bilaabato diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii maalntii shalay guddiga qaban-qaabada shaaciyeen xiliga la qabanayo doorashada.

Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada guddoonka aqalka sare Max’ed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay in maanta ay u fariisan doonaan inay diiwaan geliyaan musharixiinta dooneysa inay hogaamiso xildhibaanada aqalka sare.

Diiwaan gelinta musharixiintaasi ayaa socon doonto ilaa maalinta Khamiista oo ay taariiqda ku beegan tahay 19 bisha Janaayo.

Sida jadwalka ay ku soo saareen guddiga doorashada aqalka sare, waxaa maalinta Sabtida khudbadaha laga dhageysan doonaa musharixiinta dooneysa xilka guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, 22-ka Bishan oo ku beegan maalinta Axada ayaa waxaa dhici doonta doorashada guddoonka aqalka sare, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka aqalka Sare.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]