Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) - Dowladda Burundi ayaa maanta billowday
hanaan ay ciidamadeeda qeybta ka ah AMISOM uga saareyso Soomaaliya, sababo la xiriira
muran dhinaca mushaarka la xiriira oo u dhaxeeya ayada iyo Midowga Yurub.
Mishaarka ciidamada AMISOM ayaa waxaa bixiya Midowga yurub, hase yeeshee
xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xiriiro
xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kadib laba sano oo
shaqaaqooyin siyaasadeed ah.
Midowga Yurub ayaa ka horyimid markii madaxweynaha Burundi, Pierre
Nkurunziza uu is-beddel ku sameeyey dastuurka dalkaas si loogu ogolaado in uu
mar saddexaad isu sharxo madaxwene, oo bishii July dib loo doortay.
Midowga Yurub ayaa doonaya inuu mushaharka oo gaaraya 5.3 milyan oo dollar
bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee ayada oo aan weli wax
heshiis ah la gaarin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha
amray inay maanta billaabaan in ciidanka oo gaaray 5,400 oo askari laga soo
saaro Soomaaliya.
“Waxaan go’aansannay inaan bilowno ka bixitaanka Soomaaliya, sida aan
ballan-qaadnay, sababtoo ah ciidamadeena masii shaqeyn karaan ayaga oo aan
mushahar lasiineyn” waxaa sidaas yiri madaxweyne ku xigeenka Burundin Gaston
Sindimwo.
“Waan jeclaan lahayn inaan sii wadno taageeridda Soomaaliya iyo xaqiijinta
amniga, balse waxaa waajib nagu ah inaan billowno qorshaha bixitaanka” ayuu
yiri Sindimwo oo intaas ku daray in ciidamadooda aan mushahar la siin 12
bilood.
Ugu danbeyntii, haddii ay ka bixitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya uu
sii socdo waxay wiiqi doonta awoodda ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Xigasho VOA