Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaray
deegaanka lagu magacaabo Af-Urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saqdii dhexe
ee xalay dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada Puntland iyo xogagga
Al-shabaab.
Guddoomiyaha deegaanka Af-Urur Max’ed Geedi Saalax wareysi
siinayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaalka u ahaa mid
culus oo Al-shabaab doonayaan sida uu hadalka u dhigay in ay ku dhibaateeyaan
dadka deeganka.
‘’Aad baa leysaga caabiyay ciidamo iyo shacab looma kala
harin, saqdii dhexe xalay ayaay weerarka
soo qaadeen, ujeedadoodu waxey aheyd in ay dadka dhibaateeyaan ‘’ ayuu yiri.
Dagaalka saacado kooban socda ayaa lagu waramayaa ina y ku
dhinteen 7 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.
Hassa aheetee guddoomiyaha deegaanka uu dagaalka ka dhacay
ayaa sheegay in dhinaca Al-shabaab ka dileen afar ka tirsan xoogagii weerarka
soo qaaday.
Degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari oo ay degan yihiin Ciidanka
Puntland ayaa waxa ay xaga Galbeedka ka xigtaa Magaalada Boosaaso, waxaana ay u
jirtaa 70-KM.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]