Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo Baydhabo ka sheegay in balan looga baxay
Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka K/galbeed
Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa ka
hadlay doorashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in siyaasiyiin reer K/galbeed ah
uga baxeen balantii ay wada dhigteen.
Shariif Xassan ayaa sheegay in hamigiisa uu ahaa in wax ka
badal lagu sameeyo hogaanka dalka oo mudo dheer sida uu hadalka u dhigay u
asteysnaa hal beellood oo kaliya, isaga oo intaa ku darray in hamigaas uu hadda
noqday mid guuldareystay.
‘’Isku day ayaan sameynay, laakiin ma guuleysan, annaga ujeedadeena waxey aheyd in dadka reer
K/galbeed sanadkan hellaan madaxweyne ama ra’iisal wasaaare, laakiin
siyaasiyiin ka soo jeedda deegaannadan oo aan arintaa isku afgaranay ayaa markii
danbe ballantii nooga baxay’’ ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Waxaa uu sheegay in shacabka reer K/galbeed, baarlamaanka iyo
gollaha xukuumada maamulka intaba isku afgarteen sanadkan isku deyga ah in la
hello madaxweyne ama ra’iisal wasaare, lagana gudbno hanaanka aan qorneyn ee ah in reer K/galbeed leeyihiin hogaanka baarlamaanka Soomaaliya.
‘’Waxaan wali aaminsannahay in maalin maalmaha ka mid ah ku
guuleysan doonno hogaanka sare ee dalka, maxaa
yeellay wax aan leysku dayin lama hello, waxaan rabaa in aan wax ka badal ku sameyno arinta ah in hal qabiil oo kaliya kursiga madaxweynaha u tartamaan’’ ayuu
yiri Shariif Xassan.
Shariif Xassan ayaa la rumeysan in uu saameyn weyn ku lahaa
doorashadii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo siweyn uga soo horjeeday in kursiga guddoonka baarlamaanka ku
guuleysto Prof Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, taa soo afjartay hankiisii siyaasadeed ee ahaa in uu u tartamo kursiga
madaxweynaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]