4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2017
Ugaas Xassan oo ka hadlay dilal ku saleysan aano qabiil oo ka dhacay G Hiiraan iyo Galguduud

 

Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) – Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaalieed ayaa ku baaqay in la joojiyo dilalka ku saleysan qabiilka ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Ugaaska ayaa baaqan ka jeediyay kulan uu maanta magaalada Beledweyne kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka beellaha gobolka Hiiraan oo looga wada hadlay xiisada ka taagan deegaanno hoostaga gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

‘’Horay ayaan marar badan arintan uga hadlay colaad wax faa’iido ah malaha, waxaan ka tacsiyeeynayaa dadkii micno la’aanta loo dilay maalintii shalay labada dhinacba, waxaan leeyahay hal joojiyo dilalka ku dhisan qabiilka’’ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Ugu danbeyntii, Ugaas Xassan ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada lagana hortago wax kasta oo keeni kara in colaada oo sii baahda.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii dad rayid ah siyaabo kala duwan oo loogu dilay gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]