4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2017
Wax ka badal lagu sameynayo qaab dhismeedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari


Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) -Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland u ah xarun ganacsi ayaa laga daahfuray mashuruuc lagu naqshadaynayo jidadka, iyadoo wax ka badal lagu sameynayo qaab dhismeedka xiligan ee magaalada.

Mashruucan oo uu daahfuray Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas.waxaa goob joog ka ahaa, wasiiradda wasaaradaha arimaha gudaha, dekedaha, maamulka gobalka Bari iyo kan Degmada Bossaso iyo Mas,uuliyiin kale.

Mashruuca qorshaha nashqadaynta Magaalada Boosooso ayaa waxaa maalgalinaya Hay’ada UN-HABITAT, iyadoona Fulinta Mashruucaas ay iska kaashanayaan dawladda hoose ee degmada Boosaaso iyo Shirka da dhismaha ee SOLO oo hirgelindoonta naqshada Magaalada Bossaso.

Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Nashqadaynta Magaalada Boosaaso uu qayb weyn ka qaadan doono hormarka iyo Bilicda Deegaannada Puntland.isagoona xusay in arintan ay tahay guul u so hoyatay shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyenaha Puntland ayaa tilmaamay hadii shacabka magaalada Boosaaso ay maamulka degmada iyo Laamaha amaanka la shaqeeyan,Mashruucan la dhaqan-galiyo in Boosaaso waqti kooban ku noqon karto magaalooyinka ugu hormarsan geeska Africa.

Ugu Danbaytii,masharuucan ayaa noqonaya kii ugu balaarna oo wax looga badalo qaab dhismeedka magaalada Boosaaso shantii sano ee la soo dhaafey,wuxuuna wax badan ka taridoona bilicda iyo hormarka magaalada.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya