4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2017
AMISOM oo ka hadashay shilkii ay dadka badan ku dhinteen ee deegaanka Calamada

 

Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) - War lagu baahiyaa Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalka midowga Africa ka xun yihiin shilkii gaari ee shalay ka dhacay deegaanka Calamada ee degmada Afgooye.

War ka soo baxay midowga Africa ayaa lagu sheegay AMISOM siweyn uga xun tahay shilka ka dhacay dulleedka Muqdisho’’Waxaan ka xunnahay shilka nadinta leh ee ka dhacay deegaanka Calamada,waxaa isku dhacay gaari ay leeyihiin AMISOM iyo gaari siday dad rayid ah oo ka yimid Afgooye,waxaa halkaas ku dhintay dad ku dhaw toban ruux iyo dhaawac intaa kabada,AMISOM oo falkaas mar kale ka xun waxaa socda baaritaan dheeri ah”ayaa lagu yiri.

Ugu danbeyntii, ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer gobolka Sh/hoose hoose ku dilay dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]