4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2017
Akhriso magacyada xildhibaannada aqalka sare gobollada W/qooyi oo goor dhaw Muqdisho lagu doortay

 

Isniin, Janaayo, 16. 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay doorashada saddex kursi oo qeyb ka xildhibaannada aqalka sare ee gobollada W/qooyi, waxaana ilaa iyo hadda ka harsan kuraasta aqalka sare ee beelaha ka soo jeeda Soomaaliland labo kursi oo kaliya.

Hadaba Akhriso magacyada xildhibaannada ku soo baxay doorashada :

Kuriga hore waxaa ku soo baxay Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo helay 39 cod, waxaana uu ka guuleystay, Xusseen Ceelaabe Faajiye, Max’ed Aadan Waabari, iyo Axmed Cabdi Faahiye.

Siddoo kale kursiga labaad waxaa ku guuleysatay Nuuro Faarax Jaamac oo heshay codad gaaray 38 cod, waxaana ay Nuuro ka guuleysatay Cumar Ma’xed Aadan iyo Caasho Axmed Cadalla.

Ugu danbeyntii kursiga saddexaad waxaa ku guuleysatay Deeqo Xassan Xusseen oo heshay 24 cod, waxaana ay ka guuleysatay Hodan Abuukar Hassan iyo Amran Cilmi Fariid.

Ugu danbeyntii, maalmaha soo socda ayaa la filayaa lagu doorto magaalada Muqdisho labada kursi ee ka dhiman xildhibaannada aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo ka kooban 11 xubnood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]