4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2017
shirkadda isgaarsiinta TELESOM oo gargaar ku wareejisay gudiga abaaraha degmada Xudun


Jsniin, janaayo, 16, 2017 (HOL) -Gudoomiyaha shirkadda Telesom Sheekh Aadan Cilmi Dheere oo deeqdaasi ku wareejiyey gudiga ayaa waxa uu sheegay in deeqdani ay qayb ka tahay gargaar shirkadu kaga qayb qaadanayso abaaraha dhacay.

"Waxaan idinku wareejinaynaa 60 booyadood, waxaana u deyney qaybinta gudiga abaaraha oo nooga xogogaalsan sida loo kala jilicsan yahay" sidaa waxaa yiri Aadan Cilmi.

Gudoomiyaha gudiga Abaaraha D. Xuddun C/casiis Cawil Caateeye ayaa u mahad celiyey Shirkadda waxaanu sheegay in ay ilaa 20 magaalo oo Xuddun hoos yimaada ay anagoo u eegayna buu yidhi sida ay u kala liitaan.

Maxamed Jaamac Mahad oo ka mid ah gudiga abaaraha ayaa waxa uu qayladhaan dheer ka diray abaarta oo ka sii daraysa maalinba maalinta ka danbaysa, waxaanu intaas ku daray in qurbajoogta iyo ganacsatadu ay
gurmad sameeyaan badbaado.

Si kastaba ha ahaatee deeqda shirkadda TELESOM ay qaybinayso ayaa ah mid wax ka taraysa dhibaatada baad iyo biyo la'aanta aafaysey bulshada degaankasi ku noolayd iyo guud ahaan inta badan Soomaaliya.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood Gobolka Sool