Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya
degmada Bandiiradley oo hoostaga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in afar ruux oo isku qoys ah ay
ku dhinteen dab qabsaday gurigii ay deganaayeen,
C/risaaq Axmed Jaamac oo ah guddomiyaha degmada Bandiiradley oo
warbaahinta la hadlay ayaa sheegay xalay waqti danbe oo ay dadku hurdayeen uu
dab qabsaday guri ka sameysnaa cooshado oo ay deganaayeen qoys danyar ah, isaga oo sheegay in ay halkaa ku geeriyoodeen
saddex wiil iyo gabar oo tirsan qoyska.
‘’Xili danbe oo dadka inta badan ay hurdeen ayeey aheyd
markii uu dabka qabsaday reerkan, wax gurmad ah ma aysan helin, goobta waxaa ku
dhintay saddex wiil iyo gabar oo qoyska ka tirsanaa, sidoo kale wiil iyo hooyadii
reerkana dhaawac ayaa soo gaaray waxaana loo qaaday oo la dhigay isbitaal ku
yaala magaalada Gaalkacyo’’ ayuu yiri C/risaaq Axmed.
Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd sida uu dabkan u kacay
ayuu sheegay in ilaa iyo hada baaritaanka arintaa ku saabsan la wado, hasse ahaatee hooyada reerka ay tilmaamtay wiil ay walaalo yihiin oo sida ay hadalka u dhigtay u maleynayso in uu dabka ka danbeeyay.
''Baaritaan ayaa socda, laakiin hooyada reerka waxaa ay inoo sheegtay in ay shaki ka qabto wiil ay walaalo yihiin oo sida ay sheegtay u dhaartay, waa tuhun oo kaliya, laakiin baaritaan ayaa socda'' ayuu yiri guddoomiyaha.
Ugu danbeyntii, dhacdadan ayaa waxaa siweyn uga naxay dadka
deegaanka oo saakay isugu soo baxay guriga uu dabka qabsaday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]