Isniiin, Janaayo, 16, 2017 ( HOL) – Diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga
lahaa dalka Turkga ayaa ku burburtay dalka Kyrgyzstan, waxayna diyaarada kasoo
duushay Hong Kong.
Diyaaradan bur burtay oo nooceedu ahaa Boeing 747
ayaa ku burburtay guryo ku yaala meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Manas oo
25 Km u jira magaalada Bishkek ee caasimada dalka Kyrgyzstan.
Ku dhawaad 15 guri ayaa ku burburay shilka diyaaradda, waxaana la sheegayaa
in tiro caruur ah ku jiraan dadka ku dhintay shilka diyaaradeed, oo gaaraya 32
ruux.
“Waxaan tacsideena la wadaageygaa dadka ehelkooda ku waayay shilka
diyaaradeed ee ka dhacay Kyrgyzstan”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay
shirkada duulimaad ee dalka Turkiga.
Sawiro laga soo qaaday burburka diyaarada ayaa muujinaya iyada oo dab iyo
qiiq uu ka baxayo, waxaana burburay guryo badan oo ay ku dul dhacday.
Ugu danbeyntii, waxaa soo baxaya warar sheegaya in mid kamid ah shaqaalaha
diyaarada uu ka badbaaday shilka diyaaradeed, waxaana diyaarada la socday ugu
yaraan afar ruux, sida masuuliyiinta dowladda u hadashay ay sheegayaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]