4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2017
Sarkaal ka badbaaday weerarkii Ceelcade oo ka hadlay tirada askarta Kenya laga dilay

 

Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) –Munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii ka soo wareegtay weerarkii cuslaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig militari oo ay Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo, ayaa waxaa ka qeyb-galay 400 oo qoys oo intooda badan lagu dilay weerarka dad ay isku qoys ka soo jeedeen.

Munaasabada oo ka dhacday gudaha dalka Kenya ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-gallay qaar kamid ah askartii ka badbaaday weerarkii sanad ka hor ka dhacay saldhiga deegaanka Ceel-cadde.

Mid ka mid ah saraakiishii ka badbaday weerarka ayaa sheegay tirada askarta lagu dilay deegaanka Ceel-cadde.

13 askari ayuu sheegay in Al-shabaab dagaalka ku qabteen iyaga oo nool, halka 173 askarina ay ku dhinteen weerarka sida uu hadalka u dhigay sarkaalka.

Waa markii ugu horeysay oo xubno ka tirsan dowladda Kenya laga helaa xog la xiriirta askarta kaga dhimatay weerarkii sanad ka hor Al-shabaab ka geysteen deegaanka Ceel-Cadde.

Ugu danbeyntii, wararkii Ceelcade ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee lagu bartilmaameesado saldhig ay degan yihiin ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa,

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]