4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2017
Doorashada xildhibaannada aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo dib uga bilaabaneysa Muqdisho

 

Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) – Maanta ayaa lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho lagu qabto wajigii labaad doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo todobaadyadii la soo dhaafayba hakad ku jirtay.

Saddax ka mid ah shanta kursiga ee dhiman xildhibaannada aqalka sare ee gobollada W/qooyi ayaa la filayaa in maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

Musharixiinta ayaa sidan ugu tartami doonna kuraasta :

Kursiga koowaad ee tartanka maanta ayaa waxaa ku loolamaya ilaa afar musharax oo kala ah Xuseen Ceelaabe Faahiye, Maxamed Aadan Waaberi, Axmed Cabdi Faahiye iyo Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

Kursiga Labaad waxaa ku tartami doona.

Hodan Abuukar Xasan

Deeqo Xasan Xuseen

Amran cilmi fariid.

Kursiga Saddexaad waxaa ku tartami doona.

Cumar Maxamed Aadan

Nuuro Faarax Jaamac

Caasho Axmed Cabdalaahi.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa hakad ku jiray doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf salka ku haya sida beelaha ugu tartamayaan kuraasta, tasoo keentay mudo dheer oo dib u dhac ah.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]