4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2017
Prof Jawaari’’Howlaha baarlamaanka ayaa u xayiran xildhibaannada ka harsan gollaha shacabka

 

Isniin, Janaayo, 16, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo maalintii shalay ka hadlayay kulan uu guddoonka baarlamaanka la yeeshay guddiga doorashada dadban ayaa sheegay in howlaha baarlamaanka hor yaala u xayiran yihiin xildhibaannada wali harsan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlo muhiim ah oo ay ka mid tahay doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada ee afarta sanno ee soo socta laga sugayo baarlamaanka, sidaa daraadeed looga baahan yahay gudiga doorashada dadban  in ay ku dhaqsadaan dhameystirka xildhibaannada wali harsan.

Ilaa 7 xildhibaan ayaa ka dhiman mudanayaasha gobollada W/qooyi, halka beelaha Banaadiriga wali ku harsan yihiin doorashada labo kursi iyo shan xildhibaan oo kuraastooda dib loogu noqonayo lagana soo dooran doono xarumaha dowlad gobolleedyada dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dalbaday gudiga doorashada dadban in howlahan oo dhan lagu soo gabagabeeyo mudo todobo cisho ah.

Ugu danbeyntii, waxaa muuqata in doorashada madaxweynaha Soomaaliya bishan ku qabsoomi karin, madaama todobaadyada nagu soo foolka la gudagalin doono doorashada xildhibaannada wali harsan.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]