4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Dhimashada dadkii rayidka ahaa ee la socday gaarigii ay gadiidka AMISOM jiireen oo sii korartay

 

Axad, Janaayo, 15, 2017 (HOL)-Waxaa sii kordhaya tirada dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay gadiid kuwa rakaabka oo ah gadiidka ciidamada AMISOM ku jireen deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 10 ruux oo rayid ah ku dhinteen shilkan halka dhinaca kale 15 ruux oo qaarkood qaba dhaawacyo culus loo soo qaaday goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Gadiidka ciidamada AMISOM ee dulmaray gaariga ay la socdeen dadka rayidka ah oo noociisu ahaa Hoomeey ama Caasi, ayaa ka anbaxay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda dhinaca gobolka Sh/hoose, halka gaariga rakaabka siday oo ka yimid degmada Afgooye uu ku soo jeeday dhinaca magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, shilkan ayaa noqonaya marka la eego kii ugu xumaa ee ka dhaca wadadda isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowlada iyo taliska AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]