4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo jiiray gaari kale oo ay la socdeen dad shacab ah

Axad,  Janaayo 15, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Calamada ee gobolka Sh/hoose, ayaa sheegay in mid ka mid ah gadiidka ciidamada AMISOM uu jiiray gaari kale oo nooca rakaabka ah oo ay la socdeen dad rayid ah.

Inta la og-yahay shilkan waxaa ku dhintay 4 ruux oo ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee la socday gaariga rakaabka ah ee noociisa lagu sheeegay Hoomeey.

Goob jooge ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga caasiga ah uu ka yimid dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, halka gaariga AMISOM uu ka tagay dhinaca magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, AMISOM iyo maamulka Sh/hoose wali kama aysan hadlin shilkan ay ku dhinteen dadka rayidka ah.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]