4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Saddexda xisbi ee Somaliland oo isla qaatay in dib loo dhigo doorashadda


Axad, Janaayo ,15, 2017 (HOL)-  Abwaanadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Hargeysa ayaa maanta kulan ay la yeesheeen hogaamiyeyaasha saddexda xisbi ka dalbaday in aan wakhtigan abaarta adagx lagu jiro aanay doorasho iyo olole siyaasadeed wadanka ka dhici karin.

Saddaxda xisbi iyo Abwaanadda magaca weyn ku leh Somaliland ayaa Isfahan ka gaadhay in doorashadda wakhtigeeddii dib loo dhigo iyo in hadaladda xanafta ah ee dadka kala fogeyn kara wakhtiyadda siyaasaddu kacsan tahay aan hawadda la isku maraan, waxaana hogaamiyeyaasha saddaxda xisbi la qaateen abwaanadda labaddaasi qodob ee loo soo gudbiyey.

Hogaamiyeyaasha saddxda xisbi iyo Abwaanaddan ayaa kulankaasi ka dib la hadlay warbaahinta, waxaanay sheegeen inay is fahan ka gaadheen in wakhtigan aan doorasho dhici Karin, isla markaana dib loo dhigo, waxa kale oo ay sheegeen inay isla qaateen in hadaladda xanafta iyo xajiinta leh ee siyaasiyiintu hawadda isku mariyaan gabi ahaanba la joojiyo.

Ugu horeyn gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in kulankiii maanta isla qaateen in wax kasta laga horaysiiyo gurmadka iyo taakulaynta dadka codka laga rabo ee abaaruhu ku dhufteen.

“waxay abwaanaddu naga dalbadeen labadda qodob in wakhtigan aan doorasho dhici Karin iyo in la joojiyo hadaladda dadka kala fogaynaya ee hawadda la isku mariyo, waana la qaadanay,Maanta mudnaanta kowaad ee qaranka u taalaa Waa gurmad iyo taakulaynta dadka abaaruhu hayaan, tu walba xaga dambe maraysaa, horana sidaas uun baanu heshiish ku ahayn oo xisbi waliba tamartii wuu gurmanayey,marka tallo la helaa xal la helaa, talada  marka la isku soo ururiyo waxa la siinaya guddida doorashooyinka oo iyaga awood u leh wixii doorasho ku shaqo leh, xisbiyadu soo jeedin bay leeyihiin, cid waliba waa inay u hogaansanaato wixii guddida doorashooyinku soo saaraan”ayuu yidhi Muuse Biixi,.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi CIrro ayaa isna sheegay in Abwaanadda ka qaateen dalabkii ay soo jeediyeen, waxaanu yidhi  “ Abwaanaddu waxay nagala hadleen in ololaha si asluubyasan oo ceeb lahayn oo xanjiin lahayn loo gallo ,saddexda xisbi taas wuu la qaatay,waxa kale oo ay nagala hadleen in aan wakhtigan doorasho la gali Karin maadaama oo abaar lagu jiro,  iskuma khilaafsani saddexda xisbi iyo qarankuba inay mudnaanta kowaad leedahay gurmadka dadka abaaruhu ku dhufteen, oo ay ka horayso maanta arrin kasta oo ina hor yaalay hadday doorasho tahay iyo haday arrin kale tahay, in aan doorashaddu wakhtigii loogu tallogalay inaanu qabsoomin marka la eeego duruufaha dalka ka jirta anagoo ixtiraamayna dhamaan asxaabta, iyo Ra;yigooga waxa isnsha alla Ra’yigaga oo midaysan u gudbin doonaan guddida doorashooyinka isla maanta”.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna sheegay in labadda xisbi ee mucaaradka ah iyagu dalban doonaan muddo kordhinta maadaama oo xukuumaddu ka baqanayso amarkii maxkamadda ee ahaa in doorashadda la qabto 28/march/2017,isla markaaana beesha caalamka aanay nagu qasbi Karin wakhtiga doorashad qabanayno.

 “horta waxa la isla qaatay in aan doorashaddu wakhtigeedii dhaceen,waxa la isla ogaaday dawladdu dhawr jeer bay korodhsatoo inay baqayso oo aanay odhan Karin ha la kordhiyo waayo maxkamad bay saaran tahay, anaga xilkii qaadanay haddii aanu nahay labadda xisbi ee mucaaradka, anaga maxkamadda ka baqayn, beesha caalamkana ka baqayn,, gaaladuna gacan bay nagu leeyihiin ee nama xukumaan, anagu Xamar ma nihin Xamar bay yidhaahdaan boqolkiiba sodon dumar ka dhiga, anagu dalkayaga anaga samaysanay, ilaahay kasakow,, labaddayada xisbi ayaa u tagayna Guddida doorashooyinka oo odhanayna anaga taas isla garanay ee taas ku sameeya jadwalka doorashadda la dhici doonta”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Abwaan Aadan Tarabi oo saddexda hogaamiye ka ku hambalyeyey go’aankii ay la qaateen, waxaanu yidhi  “Waanu hambalyeynaya oo xusuus weyn bay nagu reebeen maanta wixii aanu ula nimid si kal iyo laab ah ayey noola ajiibeen, yaan hadhow wax aan jirin suuqa la galinin, xalaal weeyi saddexdii gudoomiye.”

Ugu dambeyntii, arrintan dib u dhigidda doorashadda  ayaa khilaaf weyn ku dhex abuurtay saddexda xisbi, isla markaana labaddii kulan ee arrintan ka yeesheen isla qaadan kari waayey inay wuxuun ku heshiiyeen, haseyeeshee Abwaanadda ayaa maanta soo afjaray khilaafkaasi, waxaana loo gudbinaya is afgaradkan guddida doorashooyinka oo iyaguna cayimi doonna wakhtiga ku haboon ee doorashaddu dhici doonta oo lagu waddo in lagu beeggo wakhti Gu’ah oo dhulku roobaysan yahay.

Somaliland waa markii ugu horeysay ee xisbiyada mucaaradku soo jeediyaan in dib loo dhigo wakhtiga doorashadda, waxaana inta badan caado ka noqotay in xukuumaddu korodhsado, halka xisbiyadda mucaaradkuna ku qaylin jirin dib u dhaca ku yimaadda doorashadda.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.