4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2017
Dilal siyaabo kala duwan uga dhacay gobollada Hiiraan iyo Galguduud

 

Axad, Janaayo, 15, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Teedaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta rag hubeysan ku dilleen labo ruux.

Tuullada Teedaan ayaa lagu waramayaa in xiligan ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilka labada ruux.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya degmada Guri-ceel ayaa sheegaya isla maanta lagu dilay nin sida la sheegay dilkiisa  lala xiriirinayo labada nin ee lagu dilay deegaanka Teedaan.

Ugu danbeyntii, siddoo kale ciidamada Ahlu Sunna ee degmada Guri-ceel  ayaa dilay qof shacab ah xili ay kala eryayeen dadka ku soo xoomay goobta lagu dilay ninka  ka soo jeeda Goboka Hiiraan ee aanada qabiil loo dilay.

Arrimahan ayaa dhamaantood lagu waramayaa in ay salka ku hayaan abaarta ka jirta gobollada dhexe  kadib markii ay beelluhu isku qabteen Warraha biyaha laga cabo.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]