4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Gollaha deegaanka Laascaanood oo doortay guddoomiye cusub

 

Axad, Janaayo, 15, 2017 (HOL) -Golaha degaanka Degmada Laascaanood ayaa doortay gudoomiye cusub, kadib markii ay cod buuxa xilkii kaga xayuubiyeen gudoomiyihii xilka hayey.

Gudoomiyaha cusub ayaa loo doortay C/casiis Xusseen Xasan Taako oo ay gacnta u taageen 15 Xildhibaan oo ka mid 20 xildhibaan oo golaha fadhiyey.

Gudoomiyaha gobolka Sool ahna sii hayaha Xoghayaha degmada Laascaanood Cabdi Khayre Dirrir ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta uu yahay C/casiis Xusseen gudoomiyaha degmada.

"Waxaan kula darfaarmayaa golaha degaanka in ay sidaa ay maanta isugu duuban yihiin isugu duubnaadaan, maayirkana waxaan leeyahay feejignaan yeelo yaan ta maanta dhacday kugu dhicin" ayuu yidhi Cabdi Khayre.

Cismaan Saleebaan gudoomiyaha xilka laga qaaday ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay hawsha dhacday, inuu la shaqaynayo gudoomiyaha cusubna waa balan qaaday.

Gudoomiyaha Cusub Taako oo ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ku qanacsan yahay xilka loo doortay, waxaanu balan qaaday inuu waxqabad la imaan doono dhab ah.

Qaar ka mid ah xildhibaanda oo halkaasi ka hadlay ayaa gudoomiyaha cusub ugu goodiyey in uu mari doono jidka guddoomiyihii ka horeeyay.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ayaa ahaa kii ugu waxqabad badnaa ee soo mara magaalada Laascaanood, waxaana labadii sano ee la soo dhaafay ee uu xilka hayey isbedel xooglihi ku yimid magaalada.

Ugu danbeyntii,  waxaa bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood is weydiinayaan denbiyada xilkiisa uu ku waayey oo ay ugu weyn tahay wado laami ah oo uu gurigiisa ku leexiyey, waxana ay sheegayaan in wax qabadkiisu uu ka badnaa waxa lagu eedeeyey, waxse la eegayaa waxa uu la yimaado Duqa cusub.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood Gobolka Sool