Axad, Janaayo, 15, 2017 (HOL) -Waxaa
Subaxnimadii Sabtiga abaarahii 3:00 Aroornimo dab la qabadsiiyay Masjidka
islamic Center of East side oo ku yaala xaafadda Bellvue magaaladda Seattle ee
gobolka Washington
Masjidkan oo ka mid ah masaajidda ugu qaddiimsan
ee muslimiinta ku leeyihiin Gobalka Washington ayaa waxaa uu laba kiiloo mitir wax
la eg u jiraa xarunta wayn ee Shirkada Microsoft.
Masjidkan ayaa waxaa maamulkiisa gacanta ku haya
muslimiin kala yimid wadamada carabta, Pakistan iyo wadama kale waxaana imam ka
ah imam Faisal.
Mudda hadda laga joogo bilo ayaa qof inta
xabada ku riday ka cararay masjidka iyadoo aysan qofna waxba ku noqon
dhacdadaas.
Waana markii labaad ee lasoo weerarayo masjidkan
iyadoo uu dabka si xun u baa bi'iyay dhismaha masjidka hada.
Qof loo maleynayo in uu ka dambeeyay dabkan ayaa
Booliisku xireen iyadoo aanan la ogayn faahfaahin intaa dhaafsiisan sida uu
hiiraan Online u sheegay Xasan Suni oo ka mida Dhalinyaradda Soomaalida ee
dagan magaaladda Seattle ee Gobolka Washinton.
Masjidka kale oo aad oogu dhaw masjidkan oo la
yiraahdo Maps Masjid ayaa isana waxaa mudo bilo ah gudaheed ah markii labaad la
burburiyay calaamadda masjidka ama Tabeelaha.
Waxaa maalmahan soo badanayay nacayb lagula
kacayay dadka musliminta ah ee ku dhaqan wadnaka Maraykanka.
Dhinaca kale soomaalida deggan dalka Maraykanka
ayaa lagu tilmaamaa in maamulaan masaajidda oogu badan. Iyadoo aysan muujinin
taxadarkii badan oo aad arkaysid in masaajida aysan lahayn cid ilaalisa dumarka
iyo raggana ay xiliya dambe socdaan iyagoo ay ka muuqato calaamadda islaamka.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]