4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2017
Dowladda Kenya oo laga Dalbaday in ay Shaaciso tirada Askartii looga Dilay weerarkii Ceel-Cadde

/images/2017/Jan/

Axad,  Janaayo, 15, 2017 (HOL) –Hal sano ayaa laga joogaa markii ay Al-shabaab ay dishay tiro askar ah oo ka tirsana ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Somalia, kuwaasi oo saldhig milatari ku lahaa deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Ciidamadan oo u dhashay dalka Kenya ayaa la sheegay in khasaarihii ugu weynaa oo gaara ciidamada AMISOM loogu geystay weerarkaas oo ay Al-shabaab sheegtay in ay ku dishay tiro ka badan 200 oo askari oo ay ku jiraan saraakiil xilal sare ka hayay  howlgalkan.

Weerarkaasi ayaa dhacay Bishii January 15-keeda sanadkii 2016-ka, waxaana dowladda ilaa iyo hadda aysan jawaab ku filan siinin qoysaska askartii lagu laayay weerarkaas oo la aaminsan-yahay in uu dhacay xili xasaasi ah.

Warbixino soo baxay weerarka ka dib ayaa shaaca ka qaaday in deegaanka Ceel-cadde ay ku awood- badan-yihiin beesha Mareexaan oo ay xurguf colaadeed kala dhaxeyso Beesha Ogaden oo hadda hogaanka u haysa maamulka Jubbaland.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in aysan difaac ku filan ka samaysan deegaanka Ceel-cadde ,isla markaana aan la samayn qorshe looga hortagi karo weerarkan lagu xasuuqay askarta badan ,kaasi oo si weyn loogu canbaareeyay Al-shabaab.

Ugu danbayn, qaar kamid ah warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa dowlad-da ku dhaliilay in aan la shaacin xogta rasmiga ah ee ku saabsan askarta laga dilay ciidamada Kenya ,inkastoo si hor dhac ah looga ogaan karay khasaaraha gaaray ciidamadas.

Faysal M. Hassan
[email protected]