Axad, Janaayo, 15,
2017 (HOL) -- Guddoonka cusub ee
baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddiga
doorashada dadban oo ay ka wada hadleen arimo la xiriira doorashada xubnaha
gobollaha shacabka iyo aqalka sare ee wali dhiman.
Gaar ahaan kulanka labada dhinac ayaa looga wada hadlay sida
laga yeellayo 14 xildhibaan ee wali ka harsan gollaha shacabka, madaama xubnaha baarlamaanka
ee gobollada W/qooyi ka dhiman yihiin 7 xildhibaan,
halka beellaha Banaadiriga wali ku harsan yihiin labo xubnood iyo shanta kursi
ee dib loogu celiyay dowlad gobolleedyada.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan
Jawaari ayaa uga mahad celiyay guddiga doorashada dadban ee heer federaalka
dadaalkii ay ku bixiyeen doorashooyinkii adkaa ee ka dhacay dowlad
gobolleedyada, isaga oo ku booriyay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo
dhameystiraan xildhibaannada dhiman.
Guddiga doorashada dadban ayaa sheegay in ay diyaarinayaan
xeer cusub oo lagu wajihi doono buuxinta kursiga xildhibaankii geeriyooda ama
iskii uga taga gollaha oo markii hore nabadoonka beesha uu iska soo qoran jiray, laakiin ay qorsheynayaa in wixii hadda ka danbeeyay xildhibaanka
booskaa buuxinaya uu ku iman doono hab doorasho.
Dhinaca kale, kulan ay warbaahinta dibad joog ka aheyd ayeey
guddoonka baarlamaanka iyo guddiga doorashada dadban uga wada hadleen sida laga
yeelayo shanta kursi ee dib loogu celiyay dowlad gobolleedyada kuwaa oo laga
soo reebay 11 kursi oo ay horay u laaleen guddiga madaxabanaan ee xalinta
khilaafaadka.
Ugu danbeyntii, guud ahaan marka la eego xildhibaannada wali
dhiman ee ka harsan baarlamaanka ayaa muhiim u ah doorashada madaxweynaha
Soomaaliya oo loo maleyanayo in ay ku xiran tahay dhameystirka xubnaha wali ka
harsan labada aqal ee baarlamaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]