4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Muhaajiriin la la'yahay kadib markii ay la degtay Doontii ay la socdeen

 

Axad, Janaayo 15, 2017 [HOL]-In ka badan boqol qof oo tahriib u socday ayaan raq iyo ruux midna la hayn kadib markii dooni ay la socdeen ay dagtay inta u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Si kastaba ha ahaatee dadkaa oo boqol iyo konton ka badnaa ayaa dhowr qof oo bed qaba laga hayaa wax meyd ahna ilaa dhowr qof oo kale.

Hada ayaa khubaro arimaha badmaaxida ku wanaagsan ay sheegayaan in badda Mediterranean-ka ay kacsan tahay ayna duufaano dhacaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]