4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Xildhibaannada Galmudug oo isku diyaarinaya doorashada madaxweyne cusub

 

Axad, Janaayo 15, 2017 [HOL]-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa soo bandhigaya qodobo ay yiraahdeen waa laga doonayaa murashaxa madaxweyne ee Galmudug.

Arinkaa ayaa ka dambeeyay mar todobaadkii hore ay xildhibaanada Galmudug cod kalsooni darro ah ay u qaadeen madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed walow uu ku tilmaamay sharci darro inay sidaa yeelaan.

Xildhibaan Shariif Arwaax waxaa uu ka mid yahay xildhibaannada baarlamanka Galmudug, waxaana uu warbaahinta u faahfaahiyay sharuudaha qofka doonaya in uu madaxweyne ka noqdo Galmudug'' hibrada shaqo maxay tahay ee uu leeyahay'' Imisaa qarash laga qaadayaa, shaahaadooyin noocee ah ayaa laga rabaa'' qodobadaas ayaa ka mid noqon doona ayuu yiri xildhibaan Arwaax Sharuudaha.

Waxaa kaloo uu sheegay in codkii kalsoonida kala noqdeen C/Kariim Xuseen Guuleed isla markaana ay qof u qalma xilka ku baddali doonaan dhawaan.

Ugu danbeyntii, dhawaan ayeey aheyd markii fadhi ay xildhibaannada Galmudug qaarkood ku yeesheen Cadaado ku sheegeen in ay codkii kalsoonida kala noqdeen madaxweynaha.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]